Madaxweynaha Dawlada Degaanka Soomaalida Itoobiya oogaaray Degaanka Ato

0
59

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxamed Cumar (Cagjar) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Aato ee gobalka Afdheer.

Degmada Aato oo xaduud la leh gobalka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana dhowaan ku dagaalamay Ciidanka Dawlada Degaanka Soomaalida Itoobiya  & Al-Shabaab, kaddib markii Xubno ka Titrsan Alshabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay lahaayeen Ciidanka gaarka ah ee Dawlada Degaanka Soomaalida Itoobiya ee loo yaqaan  (Liyuu Booliska).

Madaxweynaha Dawlada Degaanka Soomaalida Itoobiya  Mustafe Cagjar ayaa kulan la qaatay saraakiisha Ciidamada ku sugan jiida hore ee Aato, kuwaas oo isugu jira Ciidanka Liyuu Booliska iyo kuwa dawladda Federaalka Itoobiya, isagoo ka dhageystay warbixin.

Cagjar ayaa sheegay inay qorsheynayaan Al-Shabaab laga la saaro agagaarka degmada Aato iyo deegaanka Soomaalida, isagoo  Sidoo kale ballanqaaday inay kordhin doonaan Ciidanka ku sugan jiidaha hore ee dagaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here