Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa galay maalintiisii labaad, waxaana looga hadlayaa xaaladda guud ee dalka iyo wada-shaqeynta labada dhinac.
Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qayb-galaya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, Madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, HirShabelle MD Cali Guudlaawe Xuseen.
Sidoo kale madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa isaguna shirka akaga qeyb-galaya aaladda fogaan aragga.
Shirka ayaa Waxaa diirada loogu saarayaa qodobada oo kala ah; -Sugidda amniga dalka, Wax ka qabashada saameynta abaaraha dalka ka jira -Iyo la dagaalanka Alshabaab , sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay soo saartay Villa Soomaaliya.