Xukuumadda Soomaaliya oo baaq Nabadeed u dirtay Beelaha Ku dagaalamaya degaano ka Tirsan Gobolka shabeelaha Dhexe

0
74

Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib U Heshisiinta Xukuumaadda Feseraalka Soomaamaaliya ayaa Baaq Nabadeed u dirtay Beelaha ku dagaalamay qaybo ka mid ah deegaannada hoos yimaada Raagaceele iyo degmada Cadale.

Qoraalka Wasaaradda ayaa lagu yiri:-

Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib U Heshisiinta XFS waxaa ay Baaq Nabadeed u direysaa Walaalaha ku Dagaalamay qaybo ka mid ah deegaannada hoos yimaada Raagaceele iyo degmada Cadale ee gobolka Shabeelada dhaxe ee Dowlad Goboleedka Hirshabeele.

Sidoo kale waxaa ay Wasaaraddu ugu baaqaysaa Odayaasha Dhaqanka, iyo Waxgaradka deegaanka inay ka shaqeeyaan joojinta colaadda dhax martay walaalaha labadaasi deegaan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, federaalka iyo Dib U Heshisiinta XFS waxay si gaar ah ugu boorineysaa walaalaha ay dirirtu dhax martay inay is xakameeyaan, kana fogaadaan wax kasta oo kala fogeyn kara walaaltinnimada dhexdooda ah, dagaalkana ay Joojiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here