Ilaa iyo 30 Xubnood oo ka Tirsan Al-Shabaab ayay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ku dileen deegaanka Abooreey oo qiyaastii 25Km dhanka bari kaga beegan degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan sida ay sheegeen saraakiisha Dwlada Federaalka Soomnaaliya.
Ciidanka Xoogga dalka ayaa xalay abaaro labadii habeenimo saq dhexe dagaal kula galay Al-Shabaab deegaanka Abooreey, ciidanka xoogga dalka ayaa Waxaa uga dhaawacmay weerarkaasi sida saraakiisha ay sheegeen illaa 5 askari oo ka tirsan ciidanka xoogga.
Deegaanka Abooreey oo ay dhowaan la wareegeen ciidanka xoogga dalka oo kaashana kooxo is abaabulay oo ka tirsan Dadka Degaanka ayaa ahaa goob muhiim u ahaa Alshabaab ay isaga kala gudbi jireen deegaanada bari iyo qaybaha kale ee dalka.

