๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ข๐—ผ ๐—™๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—œ๐—ป ๐—ฆ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜‚๐—ด๐˜‚ ๐——๐—ต๐—ฎ๐—พ๐˜€๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐—Ÿ๐—ผ๐—ผ ๐——๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—บ๐—ฒ๐˜†๐˜€๐˜๐—ถ๐—ฟ๐—ผ ๐—ฆ๐—ต๐˜‚๐—ฟ๐˜‚๐˜‚๐—ฐ๐—ฑ๐—ฎ ๐—›๐—ผ๐—ฟ๐˜๐—ฒ๐—ฏ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐˜‚ ๐—น๐—ฒ๐—ต ๐—•๐—ฎ๐—ฟ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ท๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ฒ๐˜†๐—ป ๐—–๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ Soomaaliya

0
145

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Hamza Abdi Barre oo maanta guddoomiyay shirka dib u habeynta dhaqaalaha ayaa si qota dheer uga hadlay muhiimadda uu hannaanka deyn cafintu u leeyahay horumarka dalka iyo gaaridda isku filnaashno dhaqaale.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa wasiirrada ku boorriyay inay xoogga saaraan sidii dhammaan sharciyada hortebinta u leh deyn cafinta la dhammeystiro oo baarlamaanka la marsiiyo ugu dambeyn dhammaadka sanadkaan si shuruudaha xilligaan ku xiran ay Soomaaliya u buuxiso looguna gudbo shuruudaha xigaโ€ฆ

Mudane Xamse Cabdi Barre waxuu caddeeyay in xoojinta isla xisaabtanka iyo hufnaanta ay qeyb weyn ka qaadanayaan qorshaha horumarinta dowladnimada ee xukuumaddu waddo, waxuuna dhammaan wasaaradaha iyo heyโ€™adaha kale ee uu khuseeyo barnaamijka deyn cafinta ay si dhaw isaga kaashadaan ka guul gaaridda dadaallada socda.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale amray wasiirrada inay si xooggan ula dagaalaan musuqa si loogu guuleysto daahfurnaan iyo hufnaan horseedda in ay sare u kacdo heerka aaminaadda bulshada iyo dhammaan daneeyaasha arrimaha Soomaaliya.

Ka guul gaaridda barnaamijka deyn deyn cafinta dalka ayaa horseedaya in dhammaan heyโ€™adaha maaliyadda adduunyadu ay aamintaan dalkeenna, la helo maal-gelin heer caalami ah, abuurmaan shaqooyin badan oo dhallinyarada fursad siinaya, si wax-soosaarka guduhu uu sare u koco, dhaqaalaha dalkuna uu kobco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here