Dhageyso: Sarkaal ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo ka hadlay Dagaalka ka dhan ka ah Alshabaab ee ka socda Gobolada Dalka

0
92

Gaashaanle Sare Cumar Cabdulle Jacfaan oo ka mid ah saraakiisha Xiidanka Xoogga Dalka Soomaaliya gaarโ€™ahaan Guutada 12ka Apriil ayaa ka hadlay Hawlgalada ka socda gobolada Dalka Soomaaliya

Gaashaanle Sare Cumar Jacfaan ayaa sheegay in Hawlgalada ka socda Gobolada Hiiraan Mudug iyo Galgaduud ee ka dhan ka ah Alshabaab uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud islamarkaana Madaxweynuhu uu yahay Taliyaha Guud ee Ciidanka Qalabka sida.

Sidoo kaleโ€™ Gaashaanle sare Cumar Cabdulle Jacfgaan ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka iyaga oo Fulinaya Amarka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo saraakiisha kalae ee Ciidanka Qalabka Sida ay  ay  u diyaarsan yihiin Fulinta Awaamirta la siiyay iyaga oo ka qayb qaadanaya Hawlgadalada ka socda Gobolada Dalka.

Hadalka Gaashaanle Sare Cumar Cabdulle Jacfaan ayaa ku soo aadaya Xilli Gobolka Hiiraan uu ka socda Dagaal Culus oo ka dhan ah Alshabaab iyada oo sidoo kale uu diyaar garow la xiriira dagaalka ka dhan ah Alshabaab uu ka socdo degaano ka Tirsan Galmudug.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Waraysiga Gaashaanle Sare Cumar Cabdulle jacfaan:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here