Dib U dhac ku yimid Shir maanta la Filayay in uu ka Furmo Magaalada Jig Jiga

0
55

Wararka ka imanaya dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa sheegaya inuu dib u dhac ku yimid, shir ballaaran oo la filayey inuu maanta ka furmo magaalada Jigjiga, kaas oo la filayey in wax la iskaga weydiiyo arrimo khuseeya mabaadi’da guud ee dowlad deegaanka iyo weliba xaaladaha siyaasadeed ee ka jira dalka Ethiopia.

Shirkan ayaa u baaqday ka dib tabashooyin kala duwan oo ka yimi axsaabta siyaasadda iyo qurbe-joogta ka qaybgeli lahaa shirkan.

Dadka Falanqeeya Siyaasada Dalka Itoobiya gaar’ahaan dhinaca Dawlada Degaanka Soomaalida ayaa u arka shirakaan Mid lagu Turxaanbixinayo Mad Madow soo ka kala dhexgalay Madaxda Dawlada Degaanka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here