Dowladda Soomaaliya oo digniin soo saartay markii lagu dhawaaqay in cudurka Ebola uu ka dillaacay dalka Uganda.

0
58

Wasaaradda caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay 21-kii Sebteembar ugu sheegtay dadka inay ka taxaddaraan cudurka Ebola.

Waxay intaas ku dartay in iyadoo kaashaneysa wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo hay’adaha qaran ee u xilsaaran ilaalinta xudduudaha iyo marinnada isu-gudubka bulshada ay qaadi doonto talaabooyin looga hortagayo in uu cudurku soo galo dalka.

Wasaaradda ayaa xustay in iyagoo kaashanaysa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ay billaabi doonto diyaar-garowga lagama-maarmaanka ah iyo habab ka hor-tag oo ay uga jawaabeyso xaaladda, sida in baaritaanno la marsiiyo dadka safarka ah.

Isniintii oo ay taariikhdu ku beegneyd 19-kii Sebteembar ayay wasaaradda caafimaadka Uganda shaacisay in nin ay da’diisu tahay 24 jir uu u dhintay cudurka Ebola.

Dowladdu waxay baaritaan ku waddaa in sababta dhimashada ee toddobo qof oo kale ay la xiriirto cudurka.

Shalay oo Khamiis ahayd waxay wasaaradda caafimaadka ee Uganda xaqiijisay lix kiis oo kale oo Ebola ah.

Uganda waxaa ku nool Soomaali badan oo u dib ugu safra dalka.

Haddaba astaamaha cudurka, sida uu u faafo iyo qaababka ugu habboon ee looga hortagi karo ayaan ka wareysannay Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje) oo khabiir ku ah cudurrada faafa.

Dhaqatarku wuxuu sheegay in Ebola uu yahay cudur uu keeno fayras la yiraahdo Ebola oo markii ugu horreysay lagu arkay webiga Ebola ee Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Koongo.

Waa cudur ku dhici kara dadka iyo xoolahaba, kuna faafay dalal badan oo Afrika ah. Dr. Fuje wuxuu xusay inuu cudurku ku dhici karo xoolaha, sida kibilliga (fiidmeerta) iyo daanyeerrada waaweyn.

“Waa cudur awood u leh qofkii inuu qof kale u gudbiyo, haddii qof jirran iyo adiga aad xiriir isku dhow yeelataan oo isku meel aad ku nooshihiin waa wax kugu dhici kara,” ayuu yiri Dr. Fuje.

Calaamadaha

Dhaqtarka oo wareysi siiyay BBC Somali ayaa sheegay inuu Ebola ku billowdo qaab hargabka oo kale ah, qandho, murqo-xanuun, dhuun-xanuun, lafo-xanuun iyo jajab badan. Laakiin kaddib wuxuu yeeshaa calaamado qoyaan leh.

Qofka uu cudurku ku dhaco waxaa lagu arkaa matag iyo shuban badan, indhuhu way gaduudanayaan, dhuun-xanuunku wuu sii badanayaa. Mararka qaarna dhiig-bax badan ayaa imaanaya, sida uu tilmaamay Dr Fuje.

“Waa cudur dilaa ah oo sidaas u faafa oo dadkii dadka la joogayna ay qaadi karaan, shaqaalihii u adeegayay oo u shaqeynayay haddii dhiiggii iyo dheecaankii iyo candhuuftii iyo wixii ay gaaraan, waxaa weeye cudur dadkii ku dhacaya,” ayuu yiri.

Dr. Fuje oo sharraxaya wuxuu yiri: “Xanuunkan waxaa lagu kala qaadaa horta isku dhowaansho, in aad la isugu dhowaado, qofkaan dheecaankiisa inuu ku gaaro, ama meel dheecaankiisa uu gaaray aad taabatid, kaddib indhihii iyo sankii iyo afkii aad gashatid. Waa dadka la nool [bukaannada laga helay] dadka qaadi kara.”

Wuxuu intaa ku daray: “Waa cudur isu gudbintiisu uu aad u sahlan yahay. Waxaa intaas sii dheer isku galmoodkana waa lagu kala qaadaa. Qof uu ku dhacay cudurka haddii galmood uu mar dambe sameeyo ilaa la xaqiijiyo in manidiisa aysan ku jirin. Waa cudur imaan karaya oo u gudbi kara qofkii dumarka ahaa. Taxaddar badan ayuu u baahan yahay.”

Waxaa kale oo aad ka qaadi kartaa haddii xoolihii cudurka qabay sida – dadka qaar ma og tahay xoolaha way ugaarsadaan – xoolihii qabay haddii aad iyagana xiriir la sameyso, cuntadii aan karsaneyn aad cunto ama dhiiggooda ama dheecaankooda uu ku gaaro, iyadana waad ku qaadi kartaa,” ayuu sii raaciyay.

Sidee la isaga ilaalin karaa ama looga hortagi karaa?

Dhaqtarku wuxuu sheegay in uu dhib weyn ka dhalan karo haddii shaqaalaha caafimaadka ee la tacaalaya bukaanka qaba Ebola ay gaaraan dheecaannadiisa. Wuxuu ku taliyay qofka xaaladdaas ku sugan inuu jirkiisa oo dhan daboolo, isla markaana uu xirto agabka looga hortago cudurrada faafa, sida gacmo-gashi, kabo, indhaha iyo wejiga inuu daboosho oo maaski uu xirto.

“Khatarta ugu weyn waxayba tahay shaqaalihii [bukaanka] u adeegayay haddii uu ku dhaco, maalinta dambe waxaa la gaari doonaa in ay ka cararaan ama ay u dhintaan cudurkii,” ayuu yiri Dr. Fuje.

Wuxuu ku taliyay in bulshada caadiga ah loo sameeyo wacyigelin, loona sheego cudurku wuxuu yahay, calaamadihiisa, sida uu ku faafo iyo haddii ay isku arkaan caalamadaha waxa ay sameyn karaan iyo meesha ay tagi karaan.

Sidaas si la mid ah, wuxuu soo jeediyay in dadka ka yimid dalalka laga sheegay cudurka si dhow loola socdo xaaladdooda, gaar ahaan muddo 21-ka maalin ah in meel lagu hayo oo la ogaado in ay yeesheen calaamadaha cudurka iyo in kale.

Wuxuu lama-huraan u arkaa in ay dadku ka fogaadaan dadka looga shakiyo ama laga helo cudurka. “Waa inay qofkii jirranaa ilaa la caddeeyo inay jirradii ka wada baxday oo uu ka raystay la iska jiro,” ayuu yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here