Gudiga Doorashooyinka Soomaaliland oo ka hadlay sababta aysan u qabsoomi karin doorashada Madaxtooyada

0
71

Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in anay suuragal ahayn in doorashada madaxtooyadu qabsoonto sannadkan guddihiisa.

Guddida ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in doorashada madaxtooyadu aanay qabsoomi karin dhaqaale ahaan, iyo farsamo ahaanba, isla markaana ay u baahan yihiin 9 billood oo ka bilaabma bisha October si ay ugu diyaar garoobaan qabashada doorashada.

Waxay guddidu sheegtay in mudada 9-ka billood ah ay ku diyaarin doonaan, dhaqaalihii iyo farsamadii doorashada lagu gali lahaa, oo ka mid tahay diwaangalinta codbixiyayaashu.

Guddida doorashooyinka ayaa ah hay’adda awooda kowaad u leh in ay iclaamiso xiliga ay doorashooyinku qabsoomayaan, madaama ay masuuliyada qabsoomida doorashadu iyaga saarantahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here