Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Hay’adda Tika kala hadlay Fulinta Mashaariic shaqo loogu Abaarayo Bulshada ku Nool Muqdisho

0
96

Guddoomiya gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa kulan gaar ah xafiiskiisa kula qaatay madaxa hey’adda TIS-3 ee Soomaaliya Mr. Iftikhar Ahmed, iyada oo ay shirkan goob joog ka ahaayeen guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada gobolka Banaadir iyo Xoghayaha guud ee maamulka gobolka.

Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Madaale iyo Madaxa Hey’adda TIS-3  ayaa kawada hadlay dardargalinta mashaariicda la xariirta horumarinta Caasimadda, gaar ahaan dib udhiska goobaha danta guud, shaqa abuurka dhallinyarada, tababarada shaqaalaha iyo wacyigelinta degmooyinka xiga duleedka magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here