Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Aadan maxamed Nuur (Madoobe)iyo kuxigeenadiisa ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Xildhibaan Mohamed ibraahim (Diyeeshe) iyo dhamaan ehelka uu ka geeriyooday marxuum ibraahim Abdi hassan oo ku geeriyooday Magaalada hargaysa maanta oo ay taariikhdu tahay 27-09-22.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Alle uga baryey marxuumka inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo samir iyo Iimaan ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.