Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho,ayaa sheegaya Qarax Xooggan Agagaarka waddada Maka Al-Mukarrama.
Qaraxa ayaa la sheegayaa loogu xiray Gaari uu watay nin lagu magacaabo Musharaf Maxamed Macalin, xilli uu marayey Nawaaxyiga isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.
Musharaf ayaa waxaa soo gaaray dhaawac, waxaana loo qaaday isbitaallada ku yaallo magaalada Muqdisho.
Sidoo kale ninkan dhalinyarada ah ayaa ka tirsanaa shaqaalaha xafiiska xeer ilaalinta maxkamadda ciidamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.
Musharaf ayaa baraha bulshada ka dacaayadeeyn jira Alshabaab isaga oo ku qori jiray waxyaabo ay dhibsadeen Alshabaab