Dawlada Soomaaliya oo Guul ka sheegatay Dagaalo ka dhacay Gobolada Hiiraan & Shabeelaha Dhexe

0
46

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Xubno ka Tirsan Al-shabaab lagu dilay dagaal subaxnimadii hore ee saaka ka kala dhacay deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan iyo deegaanka Buulo-Kuunto oo hoos yimaada degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya, 20 ka Xubnood ee tirsan Alshabaab waxaa lagu dilay dagaal ka dhacay deegaanka Yasooman, xilli Al-shabaab isku diyaarineysay weerar gaadmo ah.

Bayaankan ayaa sidoo kale lagu sheegay in saddex ka mid ah ciidamada dowladda ay ku dhinteen dagaalka.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ay ka socdeen gobolka Hiiraan, iyada oo Al-shabaab laga saaray degmooyin, magaalooyin iyo tuulooyin ka tirsan gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here