Madaxweyne Xasan Sheekh oo shahaado ka qaatay Jaamacadda Nabada ee Qaramada Midoobay

0
55

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qaatay shahaadada sare ee culuumta Nabadda, Maamulka iyo Horumarka ayaa tilmaamay dadaalka dowladdu ku bixinayso hirgelinta waxbarasho tayo leh iyo fududeynta adeegyada la xiriira waxbarashada aas-aasiga ah.

Madaxweynaha ayaa xusay go’aanka dowladdu ee ku aaddan in ardayda Soomaaliyeed ee ka qalin jabisay dugsiyada sare laga dhaafo lacagta qaadashada shahaadada, iyadoo miisaaniyadda dowladda laga maalgelinayo xaqiijinta xuquuqda aas-aasiga ah ee ay xaqa u leeyihiin ubadkeenna Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo u mahadceliyey maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobey ayaa ku bogaadiyey Jaamacadaha gudaha dalka kobaca ay sameeyeen, waxa uuna kula dardaarmay in ay waxbarashada heerka sare ay la kaashaadaan dhiggooda kaga horreeya caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here