Wasiirka Maamaaliyada Xukuumadda Soomaaliya oo ka qayb galay shirka maaliyada Wadamada Afrika

0
54

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Elmi M. Nur ayaa ka qeyb galay shirka wadatashiga ee (IMF Afrika Group 1) oo ah shir ay ka soo qeyb galaan Wasiirada Maaliyadda iyo Gudoonka Bangiyada Dowliga ah ee dalalka afrika, shirkaas oo  diiradda lagu saaray horumarinta dhaqaalaha mustaqbalka Afrika iyo ka gudbidda caqabadaha maaliyadeed, oo Soomaaliya ay qayb ka tahay.

Wasiirka ayaa Sidoo kale ‘ kulan gaar ah la qaatay madaxweyne ku-xigeenka hey’adda maalgalinta Bangiga Adduunka (IFC) Mr. Sérgio_Pimenta, Wasiirka ayaa kala hadlay sidii loo maalgalin lahaa ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya, maadaama Dowladda Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siisay, kana go’an tahay Horumarinta iyo maalgalinta ganacsiga bulshada Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here