Ciyaaryahankii guulaha taariikhiga ah gaarsiiyay Soomaaliya

0
58

Xulka Qaranka Soomaaliya ee ay da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa maanta usoo gudbay ciyaarta kama dambeysta ah ee tartanka bariga iyo bartamaha Afrika. Waxaa ciyaartoydan hoggaaminaya oo tababare u ah nin horay Soomaaliya u soo gaarsiiyay guulo waaweyn.

Nuur Maxamed Amiin ayaa Kkooxda uu hadda wato isagoo tababare ah waxa ay tartanka socda guulo uga gaartay xulalka Itoobiya iyo Uganda, iyagoo hadda filaya inay guul taariikhi ah ka gaaraan ciyaarta ugu dambeysa.

Nuur Amiin ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay horumarka ay sameynayaan dhallinyarada ciyaartoyda ah ee uu tababaray.

“Alle ayaan uga mahad celineynaa in uu noo hirgalay qorshaheenna, oo aan gaarnay guul,” ayuu yiri markii ay dhacday ciyaartii hore ee ay la yeesheen Itoobiya.

In muddo ah ayuu dadaal ugu jiray barbaarinta ciyaartoyda da;da yar ee xulka qaranka, si ay heer fiican u gaaraan.

Dhammaan ciyaartoyda kooxda hadda wacdaraha ka muujisay tartanka socda waa dhallinyaro uu Macallin Nuur Amiin si iskiis ah uga soo xushay iskuullada.

Ciyaartoyda uu macallinkan wato ayaa ammaan badan ka helay buslahada kaddib markii ay lasoo shir tageen qaab ciyaareed cajiib ah, shakhsiyaadka laga tilmaamona waxaa ka mid ah gool hayahooda koowaad iyo weeraryahanka labada jeer goolka u dhaliyay, Cabdixaafid Maxamed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here