Maxay ka Wada Hadleen Wasiirka Wasaarada Beeraha Soomaaliya iyo Safiirka Marayknaka ee Soomaaliya?

0
43

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya Axmed Madoobe Nuunow ayaa Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Maraykankau qaabilsan Soomaaliya Ambassador Larry Andre.

Shirkaan oo qaatay muddo saacado ah waxaana looga hadlay xoojinta maalgashiga iyo dadaallada wax soosaar ee Beeraha Soomaaliya, iyadoo Safiirku uu xusay in hay’adda Maraykanka u qaabilsan hormarinta ee USAID ay taageereyso hormarka ay wasaaradu ka samaysay dhiirigalinta Beeraleyda, koboca waxsoosaarka, iyo siyaasada maalgashiga dalka.

Wasiirka Beeraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Larry Andre iyo Dowladiisa Maraykanka Waxaa uu uga mahadceliyay taageerada ay mar kasta la garab-joogaan Dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here