Wararka ka kimaanaya Gobolka shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya Ciidamo katirsan Dawlada Soomaaliya xalay la wareegeen degaano ka tirsan Shabeellaha dhexe.
Degaanka Ciidamadu la wareegeen ayaa ah Tuulada Xawaaldeey oo ka tirtsan degaanada hoostaga degmada Balcad ee G/Sh/ Dhexe
Alshabaab ayaa la sheegay in Maalmo ka hor ay isaga bexeen Tuulada Xawaadleey ee gobolka shabeelaha Dhexe waxaana wararka ay sheegayaan in shabaabka ka baxay Halkaas ay ku sugan yihiin dhulka Hawdka ah ee aan ka Fogeyn Tuuladaasi
Ciidamada Dawlada ayaa si nabad gelyo ah kula wareegay Xawaadley waxaana halkaas ay ka sameysteen Fariisimo maadamaa Alshabab aysan ka Fogeyn degaankaasi