Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ay la jiraan Xildhibaan Sanbaloolshe, Saraakiil ciidan Siyaasiyiin iyo Odayaasha dhaqanka ayaa booqday furimaha dagaalka ee ku dhow degaanka Moqokori iyo deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraan oo aay ku sugan yihiin Maleeshiyada macawiisleeyda.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa Maleeshiyada Macawisleeyda u ballan qaaday in haddii ay Xubno Al-shabaab ka mid ah soo dilaan uu siin doono lacag dhan $5,000, sidoo kale, qofkii Cali Dheere soo dila ayuu guddoomiye Cali Jeyte u ballan qaaday in uu siin doono lacag dhan $25,000.
Sidoo kale Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa isaga uga mahadceliyay dowladda Soomaaliya taageerada reer Hiiraan la garab taagantahay, waxuuna Macawiisleeyda Hiiraan ugu baaqay in aay soo dhaweeyaan walaalaha kale ee kusoo biiray dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ee Hiiraan ka socda.









