Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa dalka Itoobiya kaga qeyb galaya shirka TanaForum, kaas oo mudada uu socdo diirada lagu saarayo arrimaha qaaradda Afrika.
Ra’iisal wasaaraha ayaa shirka ka jeedin doona khudbad uu kaga hadli doono caqabadaha heysta qaaradda Afrika iyo sida loo maareeyn karo.


