Waa Kuma Hogaamiyaha Awooda Badan ee ka Tirsan Alshabaab ?

0
35

Mahad Karate waa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu awoodda badan ee Al-Shabaab oo iyaga iyo dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamada dowladda uu dagaal ku dhexmarayo qeyb ka mid ah goboladda Soomaaliya.

Hoggaamiyan ayaa loo arkaa in uu kaalin weyn ku leeyahay dagaalkaas, oo xooggiisu ka socdo gobolka Hiiraan. Dhowr jeer ayuu ururku soo weeraray gobolkaas toddobaadyadii ugu dambeeyay kadib markii dadka deegaanka oo is-abaabulay iyo ciidamada dowladda ay ka qabsadeen dhul balaaran oo muhiim u ahaa Alshabaab.

Waa uu magacyo badan yahay, laakiin kan rasmiga ah waa Cabdiraxmaan Maxamed Warsame. Waxa uu caan ku yahay magaca Mahad Karate. Sida ay shaacisay dowladda Mareykanka, waxaa la rumeysan yahay in uu ku dhashay magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, intii u dhaxeysay sanadihii 1957 1962-dii. Waa ku xigeenka hoggaanka Al-shabaab, waxaa na la sheegay inay hoostagaan qeybta awoodda badan ee sirdoonka Alshabaab ee Amniyaatka loo yaqaanno, iyo xitaa qeyb ka mid ah maamulka dhaqaalaha ee Mareykanku waxay sheegeen in uu ku hadlo afafka Soomaali, Carabi iyo Sawaaxili.

Kadib weerarkii Jaamacadda Gaarisa, dowladda Mareykanka ayaa duldhigtay shan milyan oo doolar madaxa Mahad Karate. Lacagtaas waxaa loo balanqaaday ciddii keenta xog horseedi karta in lasoo qabto ama la dilo.

Si la mid ah, waxa ay Mareykanku lacag dhan Lix milyan oo doolar ku doonayaan madaxa hoggaamiyeha Al-Shabaab Axmed Diiriye, oo bedelay Axmed Godane oo Mareykanku ku dilay duqeyn 2014-kii. Laakiin Mareykanku weli kuma guuleysan doonistooda. Sidaas oo ay tahay, marar kala duwan ay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya shaaciyeen dilka hoggaamiyaha qarsoon, Mahad Karate.

Horraantii bishan, dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka oo iskaashanaya ayaa duqeyn ku dilay Cabdullaahi Nadiir oo lagu tilmaamay in uu ahaa ninka la qorsheynayay inuu la wareego hoggaanka sare ee Al-Shabaab, kadib Axmed Diiriye, hoggaamiyaha xilligan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here