Ciyaar tooyda Soomaalida ah ee 17 jirada ah ayaa ku guuleysatay tartanka bariga iyo bartamaha Afrika kadib markii ay 3-1 kaga adkaatay South Sudan ciyaar ka dhacdey magaalada Addis Ababa.
Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay guusha weyn ee ay gaareen Kooxda Xulka Qaranka ee Da’yarta ka yar 17 sano.
Soomaaliya oo cayaarta final-kaga adkaatay South Sudan 3 — 1, ayaa Ra’iisul Wasaare Xamse uu sheegay inay umadda Soomaaliyeed u soo hooyeen guul, sharaf iyo magac leh.
Ra’iisal Wasaare Xamse ayaa hore hore kulan dhiirigelin iyo dardaaran ah la qaatay ciyaartooyda iyo macallinkooda, ayaa sheegay inay ka soo dhalaaleen doorkooda — shacabka Soomaaliyeed iyo Xukuumadoodana ay si heer sare ah u soo dhaweyn doonaan.