Dabaal-degyada guusha xulka Soomaaliya ee koobka CECAFA 17

0
38

Soomaaliya waxaa ka socda dabaal degyo ku aadan guul taariikhi ah oo Xulka Qaranka Soomaaliya ee da’dooda ka yar tahay 17 jirka ka dib markii ay guul ka gaareen ciyaartii kama danbeysta ee tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Soomaaliya ayaa kaga adkaatay xulka Suudaanta Koonfureed 3 gool iyo hal.

Inkastoo ay Soomaaliya laheyd xul qaran oo ay ku jireen cayaartooy aad loo jeclaa xilligii dowladdii dhexe ee Maxamed Siyaad Barre, tartamo caalami ahna ay ka qeyb gashay, hadana taariikhda cayaartooydaa fursan uma aysan helin inay qaadaan koob la mid ah kan maanta ay xulka 17 jirku soo hooyeen.

Qaar badan oo ka mid ah cayaartooyii hore ee Soomaaliya ayaa cayaarta maanta daawanayay iyagoo ku nool qurbaha, hase yeeshee uusan ka suulin riyada in ay mar un arkaan Soomaaliya oo koob sidan oo kale ah qaadeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here