Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa ugu hambalyeeyay guusha weyn ee ay gaareen Kooxda Xulka Qaranka ee Da’yarta ka yar 17 sano.
“Waxaan hambalyo farxad badan u diraayaa Xulka Qaranka Kubadda Cagta ee 17-jirada Soomaaliya maanta ku guuleystay Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika. Runtii waa taariikh iyo waayo cusub oo guud ahaan Qaranka Soomaaliya maanta usoo hoyatay.
Waxaan sidoo kale bogaadin iyo hambalyo u dirayaa Xiriirka Kubadda Cagta ee Somalia, tababareyaasha iyo dhammaan hawlwadeennada kooxda oo kaalin mug leh ku lahaa guushan taariikhiga ah ee aan gaarnay” ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe.