Xoghayaha Ururka SJS Cabdalla Muumin oo la sii daayay

0
114

Xoghayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed Cabdalla Axmed Muumin ayaa maanta Xoriyadiisa dib u helay ka dib markii 5 cisho ee la soo dhaafay si sharci darro ah uu ugu xirnaa Xabsi ku yaala Magaalada Muqdisho

Maxamed CabdiWahaab oo ka mid ah Madaxda Sare ee Soma ayaa ka hadlay siideeynta Cabdalla Muumin ‘ Waxaana uu sheegay in si damaanad ah lagu sii daayay Xoghaye Cabdalla Muumin oo ah 45 cisho mudadaasna dalka uusan ka bixi karin.

Dhamaan Wariyaasha iyo Madaxada warbaahinta Madaxa Banaan ayaa soo dhaweeysay Siideynta Xoghayaha Ururka SJS Cabadalla Muumin Waxaa ay Tilmaameen in sharici darro uu ahaa Xariga Xoghaye Cabdalla Axmed Muumin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here