Saraakiisha dawlada Soomaaliya oo sheegay in la Gubay mid ka mid ah Kolonyo Gaadiid oo ay Wateen Alshabaab

0
47

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka oo is kaashanaya ayaa saakay aroortii howlgal ka fuliyeen deegaanka xalfooley oo u dhow xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe.

Ciidamada oo jidka ugu galay Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Alshabaab ayaa gubay sida la sheegay mid ka mid ah gaadiid ay wateen, iyagoo dilay tobaneeyo Xubnood oo ka Tirsan Alshabaab sida ay sheegeen sarakiisha Ciidanka dawlada .

Ilaa hadda ma jiro Wax war ah oo ka soo baxay Dhinaca Alshabaab ee ku aadan weerarka dhabo galka ah ee lagu qaaday Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Xubno ka Tirsan Alshabaab

Sikasta ha’ahaatee Ciidamada Dawlada Federaalka Soomaaliya kuwa Degaanka ayaa Weli Hawlgalo ka wada degaano ka Tirsan Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here