Faah Faahino Dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Khasaaraha ka dhashay Qarax xalay ka dhacay Xaafada Ceelqalaw oo katirsan degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa Miino la dhigay Goob ay Dad badan oo dhalin yaro ah ay ku sugnaayeen waxaana uu sababay dhimasho iyo Dhaawac
Guddoomiyaha Waaxda Janeraal Daa’uud ee degmada Wadajir Cabdirisaaq Maxamed Dalxiis ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 7 Ruux oo Shacab ah kalena ay ku dhaawacmeen ilaa 5 Ruux oo qaarkood xaaladooda ay hali ay ahayd waxana loo qaaday Isbitaalka Madiina oo dhaawaca Dadkaas lagu Daaweynaayo.
Gudoomiye Cabdirisaaq Maxamed Dalxiis Waxaa uu sheegay in dadkaas Shacabka ah, iyaga oo aan waxba galadsan dhibaato loo geystay, isaga oo ugu baaqay Shacabka inay Ciidamada Ammaanka kala Shaqeeyaan sugida Amniga.
Hase ‘ahaatee Qaraxaan ayaa ku soo aadaya Xilli Maalmihii Dambe Hawlgalo Amniga lagu Xaqiijinayo ay Ciidamada Dawlada Federaalka gaar’ahaan kuwa Amniga Hawlgalo ay ka Wadeen Magaalada Muqdisho