wasaarada Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya oo wax lagu Farxo ku Tilmaamtay Hannaanka dib u eegista 4-aad ee barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya

0
40

Wasiirka Wasraaradda maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cilmi Maxamed Nuur ayaa sheegay warbixintii ugu dambaysay ee ay hay’adda lacagta Adduunka IMF kasoo saartay hannaanka dib u eegista 4-aad ee barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya ay aad usoo dhoweynayaan.

“Waxa aan ku faraxsanahay Warbixinta ay soo saartay hey’adda Lacagta Adduunka IMF ee ka hadlaya natiijida wanaagsan ee ka soo baxday hannaanka dib-u-eegista 4-aad (Article-IV) ee Barnaamijka Deyn-Cafinta (ECF) ,Shirarkaas oo ka kala dhacay magaalooyinka Nairobi iyo Washington DC, ayuu yiri Wasiirku.

Warbixintan ayuu sheegay Wasiirku in ay muujinayso dedaalka Dowladda Soomaaliya ee dib-u-habeynta Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha, iyada oo la marayo xilli adag oo uu dalku ku jiro kasoo kabashada abaaraha iyo cunno yarida.

Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay inay dowladdu ka go’an tahay in ay laba-laabto dedaallada lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka iyo dib-u-habeynta Maaliyadda, si loo gaaro barta kama dambeysta ah ee deyn-cafinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here