Shir looga hadlayey dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ayna ka qeybgaleen masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, siyaasiyiin iyo xildhibaanada federaalka ee kasoo jeeda Galmudug ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb.
Kulankan ayey masuuliyiinta gobolka iyo siyaasiyiintaba waxay kaga dhawaaqeen dagaal ka dhan ah Al-shabaab.
Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay shirkaan waxaana uu sheegay in Galmudug ay maraeyso meel aad u liidata islamarkaana ay ka gaabisay Sidii leysaga hor leexin lahaa cadawga muadada badan dhibaatada ku haayay Reer Galmudug ayuu yiri Ra’iisal wasaare Rooble
Ugu dambeeynytii Madaxdii ka qayb gashay shirkaan oouu ka mid yahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor Qoor ayaa isku raacay in si deg deg ah loo ballaabo Hawlagalada ka dhanka ah Alshabaab ee ka socday degaano badan oo ka tirsan Soomaaliya Galmudugna ay qayb ka noqoto