Wararka ka imaanaya Gobolka shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Ciidamo ka Tirsan kumaandooskaXoogga Dalka Soomaaliya ay howlgallo ballaaran ka sameeyeen degaanada kala ah:
Warciise, Gaaleef, Qoordheere, Jilable, oo dhammaantod hoostaga Magaalada Jowhar iyo Degmada Raagaceelle ee gobolka Shabeellada dhexe.
Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka degaanka ayaa waday Hawlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo ka socda degaanno badan oo ka tirsan Hirshabeelle, Koofurgalbeed iyo Galmudug.



