Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud & Madaxweynaha Puntland oo si wada jir ah xariga uga jaray Dekadda Garcad+ Sawiro

0
44

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud & Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta si wadajir ah xariga uga jaray wajiga kowaad ee Dekedda Garacad ee gobalka Mudug.

Munaasabadda xarig jarka waxaa ka mid ah madaxda ka qeybgalaysa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Wasiirka Difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale iyo wafuud kale oo ka socota dalalka Geeska Africa.

Wajiga kowaad ee Dekedda Garacad oo maanta xariga laga jaray ayaa ka kooban labo jambi (A&B), waxaana lasii adeegsan doonaa inta ay socdaan dhismaha qeybaha haray ee dekedda.

Dekedda Garacad ayaa noqonaysa Dekeddii shanaad ee ku taalla Soomaaliya, waana mashruuca ugu weyn ee Soomaali si isku-tashi ah u hirgelisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here