Diyaarado Duqaymo ka geystay duleedka Masaajid Cali Guduud

0
38

Duqeymo culus ayaa aroornimadii ka dhacay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobalka Shabeellaha dhexe, oo dagaal qaatay saacado badan uu ku dhexmaray Ciidamada Dawlada Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka iyo Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in duqeymaha lala eegtay saldhig ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay in duqeymahan lagu dilay xubno kamid ah Al-Shabaab.

Diyaaradaha dagaalka Turkiga ayaa la sheegay inay fuliyeen duqeymahan, oo waxyeelo gaarsiiyay Shabaab isku aruursanayay duleedka deegaanka Masaajid Cali Gaduud, si weerar rogaal celis ah kusoo qaadaan deegaanka oo shalay looga saaray dagaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here