Wararka ka imaanaya degaano ka Tirsan Puntland ayaa sheegaya in daadad ay ku soo rogmadfeen Degmada Qardho oo geystay khsaraae kala duwan.
Waxaa soconaya dadaalo lagu samata-bixinayo dadka ay saameeyeen daadad xooggan oo xalay kusoo rogmaday magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar.
Daadadka ayaa geystay khasaare kala duwan oo isugu jira mid nafeed iyo hanti, waxaana sidoo kale weli la layahay dad gaaraya ilaa labo qof.
Ganacsato fara-badan ayaa hantidooda ka weyday daadadka, oo sidoo kale la tagay gaadiid, waxaana jira guryo daadadku dumiyeen.
Gurmad ay hormuud u yihiin maamulka ayaa soconaya, iyadoo ay jiraan dad laga soo saaray ilaa xalay guryahooda oo ay go’doon ku noqdeen.
“Wali waxaa lagu raadjoogaa baadi-goobka laba qof oo aan ruux iyo raq midna laga hayn , maamul ahaana waxaan ku howlanahay caawinta qoysaskii xalay Laga soo badbaadshey Biyaha iyo furitaanka waddada laamiga wayn si caadi loogu soo cesho isku socodka gaadiidka” ayuu yiri Xildhibaan Sulaymaan oo katirsan Golaha deegaanka Qardho.
.











