Wararka ka imaanaya degaanka Masaajid Cali gaduud ee Gobolka shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Xaalada Degaankaas ay degan tahay ka dib markii saacadiii la soo dhaafay uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciiidamada Dawlada Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Degaanka iyo Alshabaab.
Dagaal ayaa ahaa mid laysu adeegsaday Hubka Nuucyadiisa kala duwan waxaana labada dhinac soo kala gaaray khasaare inkastoo aanan la ogeyn inta uu la eg yahay khasaaraha labada dhinac.
Ciidamada Gor Gor oo qayb ka ahaa dagaalka Masaajid Cali gaduud ee Turkiga lagu soo Tababaray ayaa Adeegsaday Diyaarado oo ay ku duqeeyeen Fariisimaha Alshabaab.