Faah Faahino ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Weerarkii ka dhacay Hotel Tawakal oo ku yaala Magaalada Kismaayo

0
50

Saraakiisha Talioska booliska Soomaaliya ayaa sheegay in 9 qof lagu dilay 47 kalena lagu dhaawacay weerarkii lagu qaaday hoteel ku yaalla magaalada Kismaayo ee Koonfurta Soomaaliya, kaas oo mas’uuliyaddiisa ay sheegteen Al-Shabaab.

Weerarka lala beegsaday hoteelka Tawakal ayaa noqonaya kii ugu dambeeyay ee ay fuliyaan Al-Shabaab oo horay weerarro noocan ah u geystay.

Waxaa jira sida xogo aan helnay ay sheegayaan in dad laga soo badbaadiyay hoteelka.

Waddo weyn oo hormarta hoteelka ayaa la sheegayaa in dad badan ay marayeen xilliga weerarku uu dhacayay, dadakaas oo ay ku jiraan ardayda iskuullada oo xilligaasi laga soo daayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here