Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa degaanka ay Maanta howlgallo ka sameyeen degaanka Qooxle oo ka tirsan degaanada hoostaga Degmada Aadanyabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo la sheegay in Abaabul ay ka wadeen Xubno ka Tirsan Alshabaab
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa xoojiyay Hawlgalada ka socda gobolada dalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab
Howlgaladan ay ciidamada ka sameyeen degaanka Qooxle ayaa qayb ka ah Hawlgalada ka socda Gobolada Dalka ee dawlada Federaalka Soomaaliya ay kula dagaalameyso Alshabaab.