Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaaalka ah ee Soomaaliya ayaa fasaxday muddo Saddex Cisho ah goobaha waxbarashada ee kuyaalla Caasimadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa lagu yiri” isaga oo ka amba qaadaya fulinta Warsaxafadeedkii ka soo baxay shirkii Golaha Wasiirrada ee degdegga ahaa ee uu Guddoominayay Reysal wasaare Xamse Cabdi, kaas oo qodobkiisa 4aad dhigayay in goobaha waxbarashada la fasaxo muddo saddex maalmood ah, si ay ardayda Soomaaliyeed waqti ugu hesho sii wadista gurmadka socda ee loogu gurm anaayo dhibanayaasha, wax ka soo gaareen xasuuqi ka dhacay Soobe.
Wasiirka ayaa sidaa darteed waxa uu faray goobaha waxbarashada in la xiro, gurmadkana laga qaybqaato fursadna loogu heo in si siman loogu wado gurmado dhibanayaasha ku waxyeeloobay qaraxyada.
Wasaaradda ayaa sidoo kale hakisay bixinta adeegyadii Waxbarshada ee Wasaaraddu u qaban jirtay bulshadda Soomaaliyeed, maadaama hawlwadeenada Wasaaradda ay ka qayb qaadanayaan gurmadka dadkii dhibaatada kasoo gaartay weeraradii waxuushnimo ee argagaxisada ka gaystay magaalada Muqdishu.
Sidaa darted Wasaaradda Waxbarashadda waxa ay Shacabka Soomaaliyeed lasoo wadaagi doontaa wakhtiga dib loo furayo bixinta adeegyada Waxbarshadda.