Baadigoobka dad lagu waayey qaraxyadii Soobe oo ka socda Muqdisho

0
138

Magaalada Muqdisho waxa wali ka socda baadigoobka dhawr iyo toban qof oo lagu la’yahay qaraxyadii Sabtidii ka dhacay isgoyska Soobe, kuwaas oo markii cid ugu war dameysay joogay halka ay dhibaatadu ka dhacday.

Guddiga gurmadka ayaa wada tira koobka dadka waxyeeladu ka soo gaartay weerarradii Sabtidii, waxayna sheegeen in dadka la la’yahay ay toban kor u dhaafayaan.

Goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen waxa laga ururiyay hilbo iyo xubno googo’ay, waxayse mushkiladu tahay inaan lahayn shaybaarka lagu hubiyo ama lagu qaado dheecaanka hide sidaha ah ee loo yaqaano DNA, kaas oo sahli lahaa in la ogaado cidda ay yihiin hilbhaas ama xubnahaas la uruuriyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here