Taliyaha Militariga Somaliland oo Jawaab adag ka bixiyay Hadal ka soo yeeray Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland

0
129

Taliyaha Ciidamada Milateriga Somaliland, Jeneraal Nuux Ismaaciil Taani ayaa u jawaabay Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland jenaraal. Abshir London oo dhowaan eedeymo kulul u jeediyay Somaliland.

Jenaraal Abshir London oo maalmo kahor ka hadlayay duleedka degmada Boocame ayaa ku eedeeyay Somaliland inuu taageero siiyo argagixisada.

Jeneraal Nuux Taani ayaa sheegay in Puntland iyo Somaliland ay yihiin Jaar, ayna wax xun ku sheegin , balse Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland uu yahay nin qurbaha ka yimid, oo aan waxba kala socon wixii ka dhacay dalka.

“Puntland Jaarbanu nahay weli Somaliland hadal xun kuma odhan waxaanu ku dhawarnaa jaarnimada. Ninka Taliyaha ee hadlayay maalin dhawaydbaa la magacabaay qurbahana wuu ka yimid, wixii dalka ka dhacay waxba kamuu ogayn ayuu yiri Jeneraal Taani.”

“Kalmadaha uu cayda ka dhigayay isagoo aniga Ii jeeda waxaa ka mid ah Hadhuudh, Arabakhi iyo Huuno. Hadhuudhka iyo masagadu waa cuntadeena Huunana waa Aboowe oo kale.”

“Waxaan ku leeyahay iskadaa dagaalka nabadgelyada ka shaqee kuwii kaa horeeyay waydii sidaasa lagu wada shaqayn jiray.”

Taliyaha Ciidanka Somaliland ayaa intaa ku daray “Dagaal ayuu ka hanbajayay anaguna waanu naqaana sida loogu jawaabo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here