Hay’add Turkish ah oo lacag & Raahiin ku deeqday Dadkii ku dhaaacmay qaraxyadii Soobe+Ujeedo

0
198

 Hay’adda İHH oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa gaarsiisay raashin bisil iyo lacag dadkii ku dhaawacmay qaraxii 29 October ee AlShabaab ay ku xasuuqeen dadka shacabka ahaa.

Deeqdaan keeneen shacabka Turkiga ayaa la gaarsiiyay cisbitaalka Madina ee magaalada Muqdisho, waxayna deeqdan oo socon doona 3-maalin, maalintii koowaad la gaarsiiyay 78 dhaawac oo ku jira cisbitaalka Madina lana siiyay qofkiiba 125$ iyo raashin bisil.

Uqeybsamaha hay’ada İHH ayaa sheegay in 200 oo dhaawac ay midkiiba siin doonaan 125$, isla markaana 500 bukaan ay uqeey bindoonaan raashin bisil.

Sidoo kale, lataliyaha xaaladaha degdega ah ee hay’adda Maareeynta masiibooyinka Dr. Abdulahi Muuse Axmed oo ka hadlay deeqdan ayaa u mahadceliyay shacabka iyo dowlada Turkiga sida ay ugarab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here