Khasaaraha ka dhashay qaraxyo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho oo kordhay

0
29

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa laba qarax oo xalay ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo mid kamid ah qaraxyadaasi uu ka dhacay saldhig milateri.

In ka badan nolosha 15 qof ayey qaraxyadaasi galaafteen halka tiro intaas ka badanna ay dhaawacmeen.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qof uu isku hor miidaamiyay albaabka laga galo xarun lagu tababaro militeriga Soomaaliya oo ku taalla magaalada Muqdisho.

Dadka ku dhintay waxaa kamid ahaa askar la qorayay iyo dad rayid ah.

Taliyaha militeriga Soomaaliya Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in uu socdo baaritaan ku aadan weerarkaas.

Waxaana adag in la xaqiijiyo warkaas balse militeriga Soomaaliya ayaa sheegay in tiri kamid ah dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku dileen weerarro ay toddobaadkan ku qaadeen deegaanno hoostaga maamulka Hirshabeelle.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerraradaasi, waxaana ay weerraradan imaanayaan xilli Al-Shabaab gacantooda laga saaray dhul ballaaran oo ku yaal bartamaha Soomaaliya, kaddib dagaal halkaas ku dhexmaray iyaga iyo milateriga qaranka iyo maleeshiyo xulafo la ah oo dhinac ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here