Home CIYAARAHA 5 Koox Oo Talyaani Ah Oo Ka Qayb Gali Kara Champions League...

5 Koox Oo Talyaani Ah Oo Ka Qayb Gali Kara Champions League Xilli Ciyaareedka Dambe, Sabab. – ...

52
0

[ad_1]

Kooxaha Talyaaniga ayaa ah kuwa ugu shidan yurub xilli ciyaareedkan iyaga oo wacdaro ka dhigay tartamada yurub xilli ciyaareedkan.
3 Kooxood oo Talyaani ah ayaa gaadhay final-ka tartamada qaarada yurub xilli ciyaareedkan iyaga oo dib u soo celinaya magaca horyaalkaas oo taariikh ku lahaa yurub.
Sidoo kale waxa dhici karta in tartanka ugu tunka weyn ee champions League 5 kooxood oo talyaani ah ka ciyaari karaan xilli ciyaareedka dambe.
Sida caadiga ah 4 kooxood ayaa champions League ugu soo baxa marka ay ku dhamaystaan 4-ta boos ee ugu saraysa horyaalka Talyaaniga xilli ciyaareedka.
Laakiin waxa xilli ciyaareedkan ku biiri karta koox kale waxana ay noqn kartaa kooxda AS Roma kuwaas oo ku soo laaban kara tartanka champions League.
Si kasta ha ahaatee Roma ayaa u baahan in ay garaacdo kooxda Sevilla final-ka tartanka Europa League si ay ugu soo laabato tartanka champions League.

Related

[ad_2]

Source link

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here