Saraakiil ah oo uu hogaaminayo Taliyaha Taakuleynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/le Dhexe Ibraahim Maxamed Maxamuud iyo qaar kamid ah madaxda Hoggaamada Taakuleynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gaaray Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan .
Saraakiisha ayaa ugu horeyn la yeeshay kulamo is xog wareysi ah saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo madaxda Ciidamadda deegaanka ee ku sugan degmada maxaas sidoo kalena warbixino ka dhageystay saraakiisha qeybahooda kala duwan .
Kulanka ayaa ku saabsanaa howglada lagula dagaalamayo Alshabaab .