Home WARARKA    Abaabul dagaal oo ka dhan ah Alshabaab oo ka socda gobolka...

   Abaabul dagaal oo ka dhan ah Alshabaab oo ka socda gobolka mudug

44
0

Taliyaha Ciidanka  Ciidanka xoogga dalka jenaraal ibraahim Sheikh Muxudiin Caddow iyo Wafdi saraakiil ah oo Hogaaminayay ayaa  ku sugan degmada xarardheere.

Taliyaha ayaa si weyn waxaa ugu soo dhaweeyay xarardheere saraakiil iyo askar ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed  .

Degmada Xarardheere  ee gobolka mudug ayaa  Alshababa laga saaray 16, Bishii january 2023, waxaana gacanta ku haaya Ciidamada Milateriga  Soomnaaliya  iyo kuwa   deegaanka, waxaana Taliyihu ku dhiiragaliyay inay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Alshabaab .

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa furimaha Hore ee dagaalka ayaa waqti badan la qaadanaya Ciidamada jiida Hore ku sugan, waxaana socda diyaar garoowga loogu jiro  dagaalka lagu xureynayo deegaano hor leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here