Home WARARKA Afgayeen cusub oo loo magacaabay wasaarada Difaaca Soomaaliya

Afgayeen cusub oo loo magacaabay wasaarada Difaaca Soomaaliya

41
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xilka ka qaaday afhayeenkii Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, waxa uuna magacaabay afhayeen cusub.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska wasiirkaGaashaanshigga Xukumadda Siimaaliya  ayaa lagu sheegay in si loo dardargaliyo hawlgallada dib u xoreynta iyo dadaalada socda ee dalka lagaga ciribtirayo Al Shabaab in uu  X/le Abuukar Maxamed Xasan u magacaabay Afhayeenka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

Wasiirka Gasahaandhigga Soomaaliya ayaa Afhayeenkii hore ee Wasaaradda Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood kaga Mahad-celiyay shaqadii uu soo qabtay, waxa uuna ku ammaanay sidii waajibkiisa u gutay muddadii uu xilka hayay.

Sarkaalkan loo magacaabay afhayeenka cusub ee wasaaradda Gasahaandhigga Soomaaliya ayaa horey ciidanka ugu qaabilsanaa dhinaca wacyi-gelinta, waxa uuan ahaa nin dhallinyaro oo diinta si fiican u yaqaan aadna u baraarujin jiray ciidanka xoogga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here