Xubno ka tirsan Al Shabaab, ayaa saakay waaberigii hore weerar ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah waxa ay ku qaadeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Baabuur qaraxyo laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray fariisimo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ku leeyihiin degmada Ceeldheer, waxaana qaraxyada kaddib xigay weerar toos ah oo saldhigyada ku qaadeenAlshabaab .
Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay Alshabaab weerarka qaaday iyo ciidanka dowladda ayaana halkaasi ka dhacay, waxaana jira khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac kala gaaray.
Al Shabaab ayaa war ay soo saareen ku sheegay in weerar cagmarin ah saakay ku qaadeen degmada Ceeldheer, waxa ayna Al Shabaab ay sheegeen in weerarka ay ku dileen askar badan sidoo kale ku qabsadeen hub iyo saanad.
Dhinaca kale Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed iyo Ciidammada Deegaanka ayaa la sheegay in ay iska difaaceen Weerarka ay saakay Alshabaab ay ku qaaday fariisimmo ay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ku leeyihiin degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Ciidammada Dawlada ayaa la sheegay in heleen xogta in Alshabaab ay qorsheynayeen Weerarka taasi oo keentay in Ciidammada Xoogga Dalka iyo Ciidammada Deegaanka oo aad u feejigan islamarkaana difaacyo uga jira meel ka baxsan fariisimihii lagu yaqiinay ay ay dagaal uga hortageen kooxdii weerarka soo qaaday e Alshabaab oo qorshahoodu ahaa in ay qabsadaan degmada Ceel dheer ee gobolka Galgadud ayaa lagu yiri war ka soo baxay saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka eek u sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Hase ‘ahaaree’ Weerarkii Alshabaab saakay ay ku qaadeen Fariisimaha Ciidamada Dawlada Federaalka iyo kuwa degaanka ay ku leeuguhuun degmada Ceeldheer e gobola Galfaduud ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho & dhaawac ee soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay
Sidoo kale ‘ Dowladda ayaa faah faahin ka bixin khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.