Home WARARKA Alshabaab oo Weerartay Saldhigga Ciidanka ATMIS degmada Balcad ee gobolka shabeelada Dhexe

Alshabaab oo Weerartay Saldhigga Ciidanka ATMIS degmada Balcad ee gobolka shabeelada Dhexe

95
0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar xubno katirsan Al-Shabaab ay xalay saqdhii dhexe ku qaadeen saldhig Ciidamada Burundi oo kamid ah howlgalka ATMIS ku leeyihiin degmada Balcad oo katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Balcad ayaa sheegay in Al-Shabaab ay weerareen Xerada Ciidamada Burundi ee kutaalla Xaafada Xaawa-Taako gaar ahaan agagaarka Warshadii hore ee Dharka degmada Balcad ee Somali TEX.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Burundi dhankooda ay ka jawaabeen weerarkii uga yimid dhinaca Al-Shabaab, waxaana ilaa iyo hadda jirin wax khasaare ah oo ka dhashay dagaalka, kaas oo la soo weriyay.

Dadka kunool Xaafada Xaawa-taako ee degmada Balcad ayaa waxaa ay sheegeen inay soo wajahday cabsi xoogan intii uu dagaalka socday wallow muddo kooban uu ahaa, isla markaana saaka xaaladda degmada Balcad ay tahay mid degan.

Bishii Ramadaan ee la soo dhaafay dhamaadkeedii ayay Al-Shabaab weerar qaraxyo ku billaawday ku qaadeen degmada Balcad, iyaga oo muddo kooban la wareegay gacan ku heynta degmadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here