Home CIYAARAHA DIBADA Arteta oo talo ka raadsaday tababarihii hore ee Arsenal, Wenger ka hor...

Arteta oo talo ka raadsaday tababarihii hore ee Arsenal, Wenger ka hor kulanka maantay ee Spurs

219
0

Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa sheegay in uu talo ka raadsaday tababarihii hore ee Gunners, Arsene Wenger taas oo ku saabsan sidii uu ugu guulaysan lahaa horyaalka Premier League ka hor kulanka axada ee waqooyiga London derby ee Tottenham Hotspur.

Kooxda Arteta ayaa dooneysa inay soo afjarto 20-sano oo ay kooxdu sugeysay in ay ku guuleysato horyaalka, iyadoo ay ugu dambeysay seddexdii horyaal ee Wenger uu ku guuleystay xilli ciyaareedkii 2003-04 ee ‘ee aan kooxda marnaba laga badainin xilligaas (‘Invincibles’ season.)

Waxa ay kulanka Tottenham soo gali doonaan iyaga oo hal dhibic ku hoggaaminaysa kooxda Man City kasal sareynta dhibcaha horyaalka premier League.

“Dhawr jeer ayaan la hadlay isaga” ayuu yiri Arteta oo usoo ciyaaray Arsenaltii Wenger tababaraha u ahaa muddo shan sano ah dhamaadkii xirfadiisa ciyaareed.

“Waxaa jiray mowduucyo gaar ah oo ku saabsan sida ay ugu guuleysteen iyo marxaladaha dambe.”

Arsenal ayaa fursad u haysata in ay ugu yaraan afar dhibcood ka sara marto City oo isla maantay gelinka dambe la ciyaari doonta Nottingham Forest.,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here