Magaalada waxaa maanta ka bilaabatay maxkamadeynta illaa 9 askari oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo dhawaan kasoo baxsaday furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan aagga Camaara iyo Bacaadweyne ee gobolka Mudug.
Ciidankan oo dhammaantood kasoo muuqday maxkamadda ciidamada qalabka sida aee Dhuusamareen ayaa sidoo kale loo haystaa inay xilliga ay baxsanayeen ay dileen Laba Xidigle Mustaf Nuur Suudi oo ku magac dheeraa Dhoobshaac, isla markaana ahaa taliyaha guutada Abuu-Dujaana ee Ciidamada Xoogga dalka.
Xeer ilaalinta ayaa 9 askari kusoo eedeysay baxsasho goobta dagaalka iyo inay lasoo tageen hubkii lagu difaacayay shacabka deegaanka, halka 2 kamid ah askartan si gaar ah loogu aoo eedeeyay inay dileen taliyaha kadib markii ay rasaas ku fureen, isaga oo isku dayay inuu ku celiyo furinta ay soo banneeyeen.
Inta ay socotay maxkamada ayaa waxaa la geeyay marqaatiyeyaal goobjoog u ahaa dhacdadaas, kuwaas oo lagu wareystay goobta, kana warbixin falkaasi dilka ah.
Gaashaanle Dhexe Cabdullahi AbuukarXasan oo guddoomiyay fadhigan ayaa dhankiisa sheegay in maxkamadda ciidamada ay dib ka shaacin doono go’aanka kama dambeysta ah, ama xukunka 9 askari ee maanta la horgeeyay.