Home WARARKA Askari Garoowe ku dilay gabar ardayad ah

Askari Garoowe ku dilay gabar ardayad ah

43
0

Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada booliska ee Puntland uu dil u gaystay gabar ardayad ahayd.

Gabadhan oo la oran jiray Ubax Yaasiin Cali ayaa u geeriyootay xabada uu askarigu riday.

Sida uu sheegay taliyaha qaybta booliska ee Nugaal G/sare Maxamed Cali Marduuf, askariga dilka gaystay ayaa boolisku gacanta u dhigeen.

Wuxuu intaaas ku daray in wali baaritaan socdo sababta dhimashada gabadha.

Marxuumada ayaa la sheegay inay ahayd ardayad dhigata mid ka mida jaamacadaha ku yaal magaalada Garoowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here